BAADHITAAN CUSUB: Yaa Burburiyay Ururradii Siyaasadeed Ee HAWD Ka Dhigan Lahaa Xisbi Qaran?
HAWDTV wuxu soo bandhigi doonaa baadhitaan ballaadhan oo ku saabsan mid ka mid ah su’aalaha ugu muhiimsan ee maanta horyaala bulshada gobolka HAWD: Sida ay ku dhacday in hammi gobol iyo awood ummadeed oo loo marayay laba urur siyaasadeed ay halkas kaga burburaan masraxa qaranka?
Dhacdooyinka siyaasadeed ee gobolka ka dhacay waxay muujinayaan in fashilku uusan ka iman oo keliya loollan dibadda ah, balse uu ka bilaabmay gudaha—iyada oo loo marayay danaysi shakhsi, is-dhaafsiga masiirka guud, iyo aragti-gaabni hoggaamineed.
Awood Loo Bixiyay Dano Gaar Ah
Taariikhda dhow waxay markhaati ka tahay in dhismaha xisbi qaran oo miisaan leh uu ahaa riyadii ugu weynayd ee dadka deegaanka ku midaynaysey hal ujeedo. Balse, halkii laga dhigi lahaa awood gorgortan oo gobolka dhan u adeegta, labadii urur ee la filayay in ay xisbi qaran koraan waxay ku dhaceen dabinno gudeed:
Dukumentari Gaar Ah Ood Banayn Doona Xaqiiqda
Si loo helo cashar taariikhi ah, lagana fogaado in mar kale god looga dhaco isla godkii hore, HAWDTV wuxu haatan gacanta ku hayaa soosaarista Filim Dukumentari Ah (Documentary Film) oo si hufan u kashifaya sirihii iyo hab-dhaqankii loo dumiyay labadii urur.
Dukumentarigan wuxuu diiradda saari doonaa qaab-dhismeedka fashilka iyo xeeladihii lagu curyaamiyay hammiga HAWD.
Baaq Ku Socda Shacabka Iyo Qurbo-Joogta HAWD
HAWDTV wuxu ugu baaqayaa dhammaan aqoonyahanka, dhalinyarada, siyaasiyiinta nadiifta ah, iyo muwaaddiniinta gobolka ee haysa xogaha dhabta ah, dukumiintiyada, ama marag-furka ku saabsan fashilkii labada urur in ay qayb ka noqdaan soosaarista dukumentarigan.
E-mailka Xog-wadaagga: Waxaad macluumaadka, faylasha, ama marag-furkaaga noogu soo send kaysaa e-mailka rasmiga ah: contact@hawdtv.com
Dhowrista Asturta Iyo Badbaadada: HAWDTV wuxuu si buuxda u dammaanad-qaadaysaa in qof kasta oo macluumaad nala wadaaga oo codsada in la qariyo, wax walba oo ku saabsan magaciisa iyo xogtiisa shakhsiga ah si adag loo bar-madoobeyn doono (100% Anonymity Guarantee).
Haddii aan maanta taariikhda la saxin, berrito isla fashilkii ayaa dib u soo laaban doona. Xogtaada waxay qayb ka tahay toosinta masiirka gobolka.
