FALANQAYN HAWDTV

Sababta Ay Bulshooyinka Waawayni U Burburaan

Falanqayn qoto dheer oo ku saabsan nafsiyadda burburka iyo sababta ay tiro yar oo danaystayaal ahi ugu guuleysteen in ay baab’iyaan aayaha dhalinyarada iyo aqoonyahanka.

Maxaa La Gudboon Aqoonyahanka Aamusan Marka Ninkii Caqliga Lahaa U Sacab-Tumo Midka Masiirkiisa Gubaya?

FALANQAYN — Dhacdooyinka taariikhiga ah ee adduunka ka dhacay waxay na tusayaan in burburka ugu weyn ee bulsho ku dhacaa aanu ka iman weerar kaga yimaadda cadaw dibadda ah, balse uu ka bilaawdo gudaha—iyada oo loo marayo cudurka nafsiga ah ee “Igo-ismka” (Aniga-nimada), danaysiga shakhsiga ah, iyo jaahilnimo ku dhuumatay xayeysiiska qabiilka ama deegaanka.

Tani waa cilladda maanta haysata bulshada gobolka HAWD; leh deegaan taariikh maqaam sare ah balse maanta ku sugan xaalad kala-qaybsanaan ah iyo awood-darro siyaasadeed oo ka dhalatay hoggaan la’aan iyo xisaab-tan la’aan.

Burburka: Sida Tiro Yar U Sababto Masiibo Guud

Nafsiyadda bulshooyinka marka ay burburayaan waxay martaa saddex heer oo halis ah:

Curyaaminta Damiirka Guud: Marka madaxda iyo ganacsatada la tixgeliyo iyagoo aan lahayn aragti fog, balse lagu qiimeeyo oo keliya inta ay jeebka ku sitaan ama xilalka ay boobaan.

Awood-u-dhiibidda Shakhsiyaad Is-jecel (Egoistic Elite): Ninka danta guud u haysta aragti xaddidan ama dantiisa gaarka ah oo keliya fiiriya, wuxuu diyaar u yahay in uu baab’iyo masiirka kumanaan degmo iyo gobolo si maalin kasta u naftiisa faa’iido yar oo ku meel gaar ah u helo.

Ka-fakar la’aanta Bulshada (Mass Ignorance): Dadweynaha oo loo beddelo taageerayaal indho la’ oo u sacab-tuma qofka hantidooda iyo aayahooda gubaya, sababtoo ah wuxu keliya oo u ku hadlaa magaca reerka ama deegaanka.

Darsiga Taariikhda: Burburkii Native Americans Iyo Dowladihii Reer Yurub

Xagga taariikhda caalamiga ah, qabaa’ilkii asalka ahaa ee Waqooyiga Ameerika (Native Americans) may kicin mana ku burburin hab-military oo keliya. Hubka ugu weyn ee lagula dagaallamay wuxuu ahaa kala-qeybinta gudaha.

Kooxihii gubay midnimadooda waxay ahaayeen koox wakiil u noqotay xoogagii dibadda si ay uga adkaadaan qabiilka ay dariska yihiin. Natiijadii waxay noqotay in dhammaantood ay waayaan dhulkoodii, dhaqankoodii, iyo maqaamkii ay lahaayeen—halka maanta ay ka yihiin tiro yar oo aan lahayn awood siyaasadeed.

Sidoo kale, qarnigii 15-aad ee Yurub, magaalo-dowladihii Giriiga iyo Talyaaniga (sida Venice iyo Florence) waxay noqdeen kuwa ay laasimeen dagaal hoosaad iyo ego-ga qoysaskii hantida lahaa. Dhamaadkii, waxay gacanta u galeen awoodo kale oo midaysan ka gaashaanbuursan.

Jawiga HAWD: Baahida Loo Qabo Dib-u-yagleelid Iyo Doorka Elite-ka Diaspora-da

Gobolka HAWD maanta wuxuu taagan yahay goob xasaasi ah. Waxay leeyihiin aqoonyahanno, dhalinyaro firfircoon, iyo qurbo-joog (diaspora) leh awood dhaqaale iyo mid aqooneed. Balse, waxaa curyaamiyay shakhsiyaad gaboobay oo siyaasadda u arka masrax ay ku daawadaan fashilka midba midka kale.

Si loo samatabbixiyo masiirka deegaanka:

Gudaha Hay’adaha Aqoonta Iyo Qurbo-joogta: Waa in aqoonyahannada dhabta ah ee HAWD ay dibadda iyo gudahaba ka abuuraan gole fikir (Think-Tank) oo ka xor ah shakhsiyaadka xil-doonka ah.

Ka-xortaynta Danta Guud ee Magac U yaalka Siyaasadda: Waa in la soo afjaro dhaqanka ah in qof kasta oo xil ka waaya Xukumadda uu u yimaado HAWD si uu ugu baayactamo dhiigga ama codka shacabka. Barnaamij Dhaqaale Iyo Bulsho: Awoodda HAWD ma ahan oo keliya kuraasta Baarlamaanka; waa maalgashiga xoolaha, beeraha, iyo dhisidda xarumo waxbarasho iyo caafimaad oo madaxbannaan.

Muxuu Mustaqbalku Dhihi Doonaa?

Marka aad dhuuxdo hannaanka shaqaalaha adag, isku-duubnida, iyo shaqada joogtada ah ee ay maanta Somaliland kaga jiraan bulshooyinka soo galootiga ah—sida shaqaalaha ka soo jeeda Oromada ama deegaannada kale ee jaarka—waxaa soo baxaysa su’aal culus oo cabsi leh:

Toban sano ka dib, ma fogaan doontaa maalinta ay shaqaalaha iyo ganacsatada adag ee Oromada ama ajnabiga kale ay Somaliland ka dhex abuuri doonaan nidaam dhaqaale oo ka awood badan, ka midaysan, kana habaysan tan bulshada HAWD ee maanta wakhtigeeda ku lumisa xigtaysi iyo kala-qeybsanaan siyaasadeed?

Haddii elite-ka iyo aqoonyahanka HAWD aysan maanta toosin oo aysan horseedin is-beddel qaabaysan, taariikhdu naxariis ma laha—qofkii seexda waxa beddeli doona kan shaqaynaya.

Kala-qeybsanaantu ma aha awood; waa jidka ugu fudud ee lagu noqdo maxbus.

error: Content is protected !!