Caalamka

Tallaabada Dhaqaale Ee Washington Ku Jiq-siisay Bangi Gobolka Ah

Washington waxay dib u furtay bog cusub oo dagaal dhaqaale ah, iyadoo soo saartay digniin culus oo gilgashay waaxda maaliyadda iyo dhammaan hay’adaha lacagaha ee gobolka. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu adkeynayo go’doominta shabakadaha dhaqaale ee lagu eedeeyay falal nabadgelyo-darro ah.

Sida lagu sheegay bayaan rasmi ah, maamulka Mareykanku wuxuu caddeeyay in aan marnaba loo dulqaadan doonin cid kasta oo si toos ah ama dadban u taageerta maaliyadda nidaamyada rabshadaha horkaca. Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegay in hay’adaha dhaqaaluhu ay bixin doonaan qiimo aad u culus haddii ay sii wadaan gacan-siinta shabakadahaas.

“Hay’adaha maaliyadeed waxay bixin doonaan qiimo culus marka ay ogaadaan inaan dhab ka nahay hirgelinta go’doominta dhaqaale. Inkastoo aan rajaynayno inaan loo baahnayn cunaqabateyn kale, haddana waxay ku xirnaan doontaa sida beesha caalamku uga jawaabto,” ayuu yiri mas’uulka ugu sareeya maaliyadda Mareykanka.

Balse maxay tahay hay’adda dhabta ah ee tallaabadan lagu dhuftay, iyo maamulka ku dhuumanayay?

Sida ay Jimcihii Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka rasmiga u sheegtay, cunaqabateyntan culus ayaa si toos ah loo dul-dhigay bangi ku yaalla dalka Turkiga, ka dib markii lagu helay xiriir hoose oo uu la lahaa Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC).

Tallaabadan uu hoggaaminayo Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent ayaa si caddaan ah u muujinaysa heerka ay Washington u go’an tahay inay curyaamiso ilaha dhaqaale ee Tehran.

error: Content is protected !!