Fikirka Somaliland

Sirta Habarjeclo Dhuuxday Iyo Masiirka Beel-Weynta Arap

AWOODDA SIYAASADDA

Hannaanka awood-qaybsiga Somaliland wuxuu soo maray marxalado kala duwan, balse baadhitaan cusub oo dhanka maabka siyaasadda ah ayaa daaha ka rogay xaqiiqo la yaab leh oo ku saabsan sida hal beel ay u haysato furayaasha ugu waaweyn ee maamulka, halka beel kale oo ku taal wadarta siyaasadda ay la daalaa-dhacayso fashil gudeed.

Dhinac ka mid ah saaxada, Beel-weynta Habarjeclo waxay gacanta ku dhigtay awoodda ugu saraysa ee dalka. Kaliya maaha in ay hoggaamiyaan saddexda xisbi qaran ee Somaliland, balse waxay sidoo kale haysataan Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka, Wasiirka Difaaca, Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, iyo Guddoomiyaha Banka Dhexe. Sidoo kale, dhanka amniga iyo maaliyadda, Taliyaha Sirdoonka (NIA), Taliyaha Ciidamada Badda, iyo ganacsiyada ugu waaweyn dalka waxay toos uga soo jeedaan gobolkaas.

Balse, maxaa keenay guusha intaas le’eg ee Habarjeclo, maxayse u aamuseen dadkii aqoonta lahaa ee Beesha Arap?

Sida ay muujinayso xogtu, guusha Habarjeclo waxay ku dhalatay midnimo iyo guddiyo kala sareeya oo isdhagaysta, kuwaas oo danta guud u soo xula dadka fikirka iyo aqoonta leh. Dhanka kale, Beel-weynta Arap—oo deggan Caasimadda Hargeysa ee awoodda lagu karkariyo, isla markaana ahayd ciidankii ugu badnaa ee dalka xoreeyay—waxay maanta xukuumadda ku leeyihiin oo kaliya 2 Wasiir oo Class-C ah, Wasiir Ku-xigeen, Taliyaha Ciidanka Qaranka, iyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Fashilka Arap kuma eka oo kaliya Madaxtooyada oo xilalka u diiddan, balse wuxuu ka dhashay cudur gudeed ka sii daran. Intii ugu liidatay aqoon ahaan ayaa maanta baraha bulshada (TikTok) ka caytama, halka dadkii waxgaradka ahaa ay aamuuseen ka dib markii lagu bilaabay weerar iyo xaasidnimo gudeed. 2026-ka, dadka u dooda Arap waa kuwa ku guuldarraystay nolosha oo shakhsiyaadka aqoonta leh la murmaya.

Ugudambeyntii, ma noqon karaan Arap sida Habarjeclo oo ma samaysan karaan hoggaan cusub oo mideeya?

Jawaabtu waa HAA, balse waxay leedahay shardi taariikhi ah: Waa in ay maanta ka hortagaan oo ay mikirifoonada ka turaan dadka liita ee fowdada wada, isla markaana ay dhisaan guddiyo aqoonyahanka iyo dhalinyarada ay hoggaamiyaan si ay mar kale saaxada siyaasadda ugu soo laabtaan.

error: Content is protected !!