Caalamka

Sirta Ka Dambaysay Khatartii Diyaaradda Madaxweynaha!

Xilli uu soo xirmayay shir-madaxeedkii NATO ee ka dhacay dalka Turkiga, waxaa garoonka diyaaraha ka dhacay hawlgal sirdoon oo si heer sare ah loo qorsheeyay, kaas oo dadkii saarnaa diyaaradda madaxweynaha loogu dhigay sir aysan ka warqabin. Weriyeyaasha, sawirqaadayaasha, iyo xitaa xubno sare oo ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa loo sheegay inay xiraan daaqadaha diyaaradda, iyadoo la meelmariyay xeelad marin-habaabin ah oo dad badan yaab ku riday.

Markii ay saxaafaddu timaadday garoonka, baabuurta cuntada carry-ga ah iyo gaadiidka ilaalada ayaa goobta loo dhigay si aysan kamaraduhu waxba u qaban karin. Wariyeyaasha saarnaa diyaaradda rasmiga ah ayaa la yaabay markii amar degdeg ah lagu bixiyay in la wada xiro daaqadaha. Waxa aysan ogeyn waxay ahayd in hoggaamiyihii ugu sareeyay uusan haba yaraatee saarnayn diyaaraddaas, balse si qarsoodi ah looga saaray goobta.

Sida xogta lagu helay, Xoghayaha Difaaca Peter Hegseth ayaa si gaar ah u raacay diyaarad kale si loo asturo hawlgalka, halka xubno waaweyn oo uu ka mid yahay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio iyo Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent ay ku jireen diyaaraddii koowaad ee loo adeegsaday xeeladda. Diyaaraddii labaad waxay xitaa adeegsatay magaca raadiyaha ee “Reach 18” si loogu jahwareeriyo radar-ka.

Balse maxaa dhacay oo keenay in madaxweynaha lagu dhuumiyo gaariga cuntada carry-ga ah ka hor inta lagu wareejin diyaaradda yar ee milatariga ah?

Sida uu mar dambe qirtay Donald Trump, hawlgalkan qarsoodiga ah waxaa lagu dhaqaaqay ka dib markii sirdoonka Mareykanku ay heleen xog muujinaysa khatar dhab ah oo ka imaanaysay Iiraan.

Warbixinnada sirdoonka ee ka soo baxay saraakiisha ayaa muujiyay in goobta ka baxsan garoonka lagu arkay shakhsi u dhowaa oo wata gantaalka garabka laga gano—taas oo keentay in Ilaalada Madaxda (Secret Service) ay madaxweynaha si degdeg ah ugu qariyaan gaari cunto si uu kaga badbaado weerar gantaal oo cirka ah.

error: Content is protected !!