GANACSIGA HAWDTV

DAGAALKA AAMUSAN: Shirkad Weyn Oo Halis Ku Ah Boqortooyada Isgaarsiinta Gobolka

TEKNOLOJIYADDA & GANACSIGA

Magaalooyinka waaweyn ee Bariga Afrika waxaa ka socda dagaal diblomaasiyadeed iyo mid tignoolajiyadeed oo si toos ah u taabanaya cibraanka iyo jeebka malaayiin qof. Kulammo degdeg ah oo ay yeesheen madaxda ugu sareysa ee shirkadaha isgaarsiinta gobolka ayaa looga hadlay khatar xad-dhaaf ah oo ku soo wajahgan suuqooda, iyada oo xitaa dawladaha qaar laga codsaday inay soo dhex-galaan.

Gudiyada nidaamiya intarneedka ee dalalka weyn ee Bariga Afrika ayaa la kulmay cadaadis kaga imaanaya mulkiilayaasha shirkadaha maxalliga ah, kuwaas oo ku dooday in awood cusub oo dibadda ka timid ay meesha ka saarayso maalgashigoodii tobanaanka sano soo socday. Hadaba, maxay tahay tignoolajiyada cusub ee sababtay in madaxda isgaarsiintu ay go’aansadaan in si wada-jir ah looga hortago?

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo dhanka tignoolajiyadda ah, cabsida ugu weyn ayaa ka dhalatay fiditaanka degdega ah ee intarneedka satalaytka ee Starlink ee leeyahay Elon Musk.

Gelitaanka Starlink ee suuqyada Kenya, Ethiopia, iyo dooxada Badda Cas ayaa keenay in qiimaha intarneedku uu hoos u dhaco, taas oo fowdo ka dhalisay shirkadihii maxalliga ahaa oo hadda qorsheynaya inay xaddidaad dhanka sharciga ah ku soo rogaan.

error: Content is protected !!