Badda Cas HAWDTV

Xidhiidhka Xuutiyiinta iyo al-Shabaab ee Xeebaha badda Cas

Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ayaa u muuqda mid sii xoogaysanaya oo saamayn badan yeelanaya, kaddib markii ay dhawaan la wareegeen goobo istiraatiiji ah oo ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab, isla markaana ay qaadeen weerarro lagu bartilmaameedsaday goobo ku yaalla gudaha Sucuudiga. Arrimahan ayaa muujinaya horumarka weyn ee ku yimid awoodda milatari ee Xuutiyiinta sannadihii u dambeeyay.

Guulahan ayaa imanaya xilli ay soo badanayaan caddeymaha muujinaya in Xuutiyiintu ballaadhinayaan joogitaankooda iyo xidhiidhadooda guud ahaan Badda Cas. Warbixin ay dabayaaqadii bishii hore soo saartay hay’adda cilmi-baadhista Maraykanka ah ee The Century Foundation ayaa diiwaangelisay xidhiidh sii kordhaya oo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo kooxo hubaysan oo ka hawlgala Geeska Afrika.

Warbixin Qaramada Midoobay ka soo baxday ayaa sidoo kale xustay caddeymo la xidhiidha hub iyo dad la kala gudbiyay iyo tababbarro dhex maray Xuutiyiinta iyo mid ka mid ah kooxahaas oo ah Al-Shabaab Soomaaliya oo xidhiidh la leh Al-Qaacida.

Su’aashu waxay tahay: intee le’eg ayay gaadhsiisan yihiin xidhiidhada Xuutiyiintu ka samaysteen Geeska Afrika, iyo xiriirrada sii kordhaya ee kooxaha hubaysan ee labada dhinac ee Badda Cas ma isku xidhi karaan colaadaha gobolka?

Xidhiidhka Al-Shabaab: Laga bilaabo dano gaar ah ilaa mid istaraatiiji ah

Nadwa Al-Dawsari, oo ah cilmi-baare iyo mid ka mid ah qorayaasha warbixin ay soo saartay The Century Foundation, ayaa BBC-da Carabiga u sheegtay in xidhiidhadii Xuutiyiinta ee Geeska Afrika markii hore ku koobnaayeen is-dhaafsi dano iyo heshiisyo, balse ay si weyn u ballaadheen, gaar ahaan wixii ka dambeeyay 7-dii Oktoobar.

error: Content is protected !!