Caafimaadka Fikirka

Saaxiibka xaasidka astaamaha lagu garto

Saaxiibka xaasidka astaamaha lagu garto

Waa maxay xasadka iyo xaasidka ?

Xasadka waa dabci aad u xun, qofka xaasidka ah waa qof la dagaallamaya nimcada Ilaahay dadka siiyay, qof markuu wax helo waa dhibsadaa, wuxuu ku jiraa cadaab aduun.

qofka xaasidka marka aad la saaxiibto waxaad ka arkaysaa waxyaalo ku tusinaya inuu yahay xaasid.

tusaale ahaan marka aad wax hesho ama guul aad meel ka gaarto wejigiisa ayaa isbaddalo wuu ku eedaa wuxuu ku dhahaa adiga waad is badashay markaad guusha heshay ima qiimaynaysid, waxaa laga yaabaa inuu cadhoodo oo kula hadli waayo muddo isaga samaysanaya sababo aan jirin.

Xaasidka saaxibkaaga ah waxaa kaloo lagu gartaa marka aad la tashato  wixii fiican waa kaa leexinayaa, wuxuu mar kaste kula talinayaa wixii xun isaga oo iska dhigaya inuu dantaada ku dadaalayo.

Mararka qaarkooda kaftan duritaan ah ayuu kula kaftamayaa asoo raba inuu niyadda kaa dilo, sidoo kale haddii uu hal mar qalad ka arko ma illaawayo illaa qiyaamahaa,  mar kaste wuu kusoo xusuusiyaa.

Waxaa fiican inaad ka fogaato qofka xaasidka ah.

Waxaa ugu daran qofka qaraabadaada ah markuu ku xasdayo waa xanuun iyadana.

Xasadka marka uu gaaro meel fog wuxuu isu badalayaa cadaawad daran iyo aargoosi.

calamaadaha lagu garto kuwan ayaa ugu badan.

Daawada xasadka waa maxay?

Xasadku waa dabci qofka ku dhalanaya wayna adag tahay inuu xaasidnimada qofku ka tago waayo waa xanuun, cudur qofka qalbigiisa fadhiya.

Mumtaas Daahir

error: Content is protected !!