Bani’adamka xanuunka ugu weyn oo uu la kulmo waa in uu muraayada horteeda istaago iyada oo aanay jirin wax uu isku qariyo. Xaqiiqdu waxay tahay, markay dadku ku fashilmaan nolosha, ma laha go’aan iyo naf-soocid ay ku qirtaan fashilkooda. Bixinta mas’uuliyadda fashilka waxay u baahan tahay geesi, sidaas darteed, midka tabarta daran wuxuu mar walba doortaa jidka ugu fudud: in uu fashilkiisa u saaro cid kale.
Sida ay culimada maskaxdu ka qortay falsafadda awoodda iyo siyaasadda, dadka daciifka ahi ma laha xis, aragti dheer, ama awood ay ku hantaan maamul toos ah; waxay adeegsadaan tabaha ugu hooseeya si ay u noolaadaan.
Siyaasiga tabarta daran ama shakhsiga bulshada dhexdeeda ku fashilmay wuxuu leeyahay hal hub oo keliya: in uu iska dhigo dhibbane (victimhood). Marka uu garan waayo sida loo dhoobo hammaan, loo abuuro fikir, ama loo maareeyo caqabadaha nolosha, wuxuu bilaabaa in uu farta ku fiiqo saaxiibadiisa, bulshada, ama nidaamka.
Waa gabaad gubanaya oo uu kaga cararayo ceebta gudahiisa karkariysa.
Maskaxda Bukta Ee Dhar-Qurxon
Qarnigan cusub, fashilku ma laha muuqaal qudhunsan oo muuqda; wuxuu wataa dharkii ugu dambeyay, wuxuu ku dhex fadhiyaa gaari raaxo oo dhalaalaya, wuxuuna adeegsadaa erayada ugu sharafta badan. Balse, taasi waa dabool lagu qarinayo meel god ah oo madhan.
Dhadhamada dhabta ah ee maskaxiyadeed ee shakhsiyaadkani waa gaajo joogto ah oo loo qabo Attention. Waxay u nool yihiin sida unugyo noole ah oo quuta baraha bulshada.
Sababta ay uga baqayaan in ay aamusiyaan mikirifoonada ama ay ka baxaan masraxyada waa in aamusnaantu ay u dhigantaa mowdo (dhimasho).
Haddii aysan muuqan, haddii aysan qaylin, iyo haddii aysan maalin kasta fawda iyo buuq ku xusin magacooda, waxay dareemaan in aysan jirin. Tani ma aha awood; waa cudur maskaxiyadeed oo lagu dilay kalsoonidii gudaha. Waa dhalanteed dadka ku haysta xabsiga baahida joogtada ah ee in la amano ama lagu mashquulo.
Siyaasiga ama shakhsiga noocan ah, marka uu waayo aqoon uu ku soo jiito dadka, wuxuu adeegsadaa is-reeb-reeb, dacaayad, iyo in uu hoos u jiido dadka nolasha samaystay. Sida ay culimadu xustay, shakhsiga aan awoodda lahayn wuxuu isku deyaa in uu baabi’iyo kuwa awoodda leh, sababtoo ah joogitaanka dadka guulaystay waxay qeexaysaa fashilkiisa.
Astaamaha Dadka Guulaystay Ee Aamusan
Halka fashilku u baahan yahay dhar dhalaalaya iyo makarafoon si uu u muuqdo, guushu waxay leedahay dabeecad dabiici ah oo aamusnaan ku dhisnaan karto. Dadka nolosha ku guuleystay ma laha baahi ay u qabaan in ay dunida qanciyaan ama ay maalin kasta is-muujiyaan.
Muraayada Xaqiiqda
Qof kasta oo maanta nool oo waqtigiisa ku bixiya buuq, cay, ama dacaayad uu ku qarinayo fashilka noloshiisa, waa in uu ogaadaa: Gadhka aad xiirtay, suit-ka aad xiratay, iyo gaariga aad waddo ma beddeli karaan xaqiiqda ah in aad gudaha ka madhan tahay.
Haddii aad ka baqayso in aad hal maalin aamusnaato, sababtoo ah waxad ka baqaysaa in dunidu ogaato in aadan waxba ahayn, taasi waa caddaynta ugu dambaysa ee fashilkaaga.
Guushu ma aha qaylo; waa maamulidda nafta iyo ka miradhalinitaanta yoolasha. Inta aad dadka kale eedda saarayso, waxaad ahaan doontaa xorriyad-la’aan iyo maxbus ku jira xabsiga cabsidaada.